Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Jubba.

Qaraxa ayaa loo maleenayaa in uu yahay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, walina si rasmi ah looma oga halka qaraxa lala eegtay iyo sidoo kale cida ku sugneyd goobtaasi.

Ciidamada amaanka ayaa si deg deg ah u xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyo wadooyinka soo gala, waxaa sidoo kale goobtaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan Ampalaasta.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.