Ciidaman ka tirsan kuwa amniga dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa bam gacmeed lagu weeraray.

Xogta aan kahelnay dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in labo ruux oo shacab ah ay ku dhaawacmeen bam gacmeedkaas, lamana sheegin waxyeelo ka soo gaartay ciidamadii laweeraray ee goobta kusugnaa.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dowlada ay gacanta ku dhigeen nin si weyn loogu tuhunsan yahay inuu bamka ku weeraray ciidanka halkaas joogay.

Jawiga Ex-control Afgooye ayaa hadda yara degan, waxaana ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga goobta la weeraray.