Muqdisho-(Ayaamaha)-Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho sida ay  xaqiijiyen hey’adaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa maqaayad ku taalla xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Labo qof ayaa ku dhaawacantay oo uu ku jira qofkii gaariga watay waxaana soo gaaray dhaawac culus, qofka labaad ee dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Maqaayad halkaas ku taala.

Ilaa iyo hada lama shaacin waxa uu ahaa qofka dhaawac soo gaaray ee gaarigiisa loogu xiray qaraxa balse waxay hey’adaha amaanka xaqiijiyeen in uu qabo dhaawac culus.

Magaalada Muqdisho maalmihii dambe waxaa ku badan qaraxyada dadka loogu xiro gaadiidka ay wataan, kii ugu dambeeyay oo habeenno ka hor ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay wiil dhalinyar oo aqoonyahaan ahaa, kaas oo dhowaan dalka ku soo laabtay kadib markii wax ku soo bartay dalka dibadiisa.