Qarax xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa ka dhacay agagaarka Taalada Xaawo Taako ,waxaana jugta qaraxan uu ahaa mid si weyna looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Uuro madow ayaa laga arkayaa aaga uu qaraxu ka dhacay goordhaw, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa socdo gurmadka deg dega oo durba laga bilaabay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda gurmad ay sameenayaan gaadiidka Gurmadka, waxaa sidoo kale xiray aaga qaraxu ka dhacay ciidamada amaanka.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco