Muqdisho-(Ayaamaha)-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga maqlay Jugta qarax xoogan oo Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan laga malay waxaana uu  ka dhacay degmada Hodan.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan,isla markaana waxaa ka soo baxay warar kala duwan.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in qarax uu yahay mid  lagu soo xiray Gaari,waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,iyagoon goobta uu qaraxa ka dhacay xiray.