Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay kontarool laga galo madaxtooyada.

Policemen keep watch as angry Afghan protesters burn tires and shout slogans at the site of a blast in Kabul, Afghanistan September 3, 2019.REUTERS/Omar Sobhani

MUQDISHO-AYAAMAHS-Waxaa Goordhow qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka, waxaana qaraxaas dhacay jugtiisa inta badan laga malqay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu ku qarxay Isgoyska Ceel-gaabta.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa isku gadaamay aaga oo dhan, isla markaana xiray, sidoo kalena waxaa socda gurmad loo sameeynayo dadka waxyeelada gaartay.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.