MUQDISHO-AYAAMAHA-Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegaya in halkaasi uu goor sarkaal booliska qarax lagula eetay.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa nuuca dhajiska ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Jaabiri.

Qaraxa ayaa sheegay in loogu xiray gaarigiisa waxa uuna si gaara uga dhacay inta u dhexaysa Guriga hooyooyinka iyo Hotel Muna.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna xireen iska socodka dadka iyo gaadiidka agagaarka qaraxu ka dhacay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo xilka uu haayay sarkaalka qaraxa lagu dilay ee lagu magacaabo Jaabiri.

Wixii warar ah kusoo kordha kala soco AYAAMAHA.COM