Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa ka dhacay Wadada 21ka October ee Dagmada Waabari.

Qaraxa oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Gaari ay wateen Saraakiil katirsan Hay’adaha UN-ka xilli ay marayeen meel u dhow Wadada aada Airporka ee ka baxda dhinaca Wadada 21ka October.

Weli lama ogaankaro khasaaraha dhabta ee ka dhacay qaraxa, balse waxaa jiri karo khasaaro dhimasho dhaawac ah.