Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jugta qarax xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor kahor laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkeenley oo u dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu isku qarxiyay Goob Suuqa ah oo ku taal meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in goobta qaraxa uu ka dhacay uu ku yaal Suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Mallaayga iyo bosteejo laga raro Gaadiidka dadwyenaha ee aada dhnaca degmada Dharkeeneey, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid xoogan, waxaana goobta uu ka dhacay tegay oo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa saddex qof ayaa qaraxa ku dhimatay halka lix qof kalena oo shacab ah ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda loo yaqaano.

Majirto cid ilaa iyo hadda sitoos ah qaraxa loola beegsaday, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda laamaha amniga dowladda Soomaaliya inay fah faahin ka bixiyaam.