Qaraxyo caawa ka kala dhacay Muqdisho iyo Boosaaso.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska foloransa ee Degmada Warta Nabada ayaa caawa waxaa ka dhacay qarax khasaaro geystay

Qof Shacab ah ayaa ku dhintay afarkalena way dhaawacmeen Bamgacmeed lagu tuuray isgoyska Xararyaalle ee Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii cishaha kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka Isgoyska kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Dhanka kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro dhaliyay oo Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in Caawa Bomgacmeed lagu tuuray Koontrool Ciidan oo ku yaalla Boosaaso, waxaana ka dhashay khasaaro sida wararku sheegayaan.

Bomka lagu tuuray koontroolka ayaa waxaa la sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay, waxaana wararku intaas ku darayaan in ay macquul tahay in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Maanta ayey aheyd markii qof isa soo miidaamiyey isku qarxiyey Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim macalimow, kaasoo hada dhawaac la yaalo isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.