Tunis-Ayaamaha-Ilaa Afar Qarax oo ay ku jireen kuwo Is-qarxin ah ayaa waxay maanta ruxeen qeybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Tunis.

Ugu yaraan Hal Sarkaal oo Bolis ah ayaa ku geeriyooday, halka ay ugu yaraan 8 kalena ku dhaawacmeen.

Is-qarxinta 1-aad waxaa la sheegay in Nin kaxaynayey gaari miineysan uu lala beegsaday gaari ay Boliska lahaayeen oo taagnaa Deegaan la dukaamaysto oo ku yaalla bartamaha Tunis, halkaasi oo Hal Sarkaal ku geeriyooday, 4 kalena ku dhaawacmeen.

Sxaafi ka tirsan Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inuu arkay hilbo ku firirsan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Is-qarxinta labaad waxaa la sheegay inay ka dhacday meel ku dhow Saldhig Bolis oo ku yaalla  Degmadda Al-qarjani ee magaalladdaasi, iyado oay 4 qof ku dhaawacmeen.

Wakaalladda Wararka Turkiga waxay sheegtay inay Is-qarxinta 1-aad ka dhacday meel 100 tallaabo u jirta dhismaha Safaaradda Faransiiska ku leeyihiin caasimadda dalka Tunisia