Qaraxyo Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland

BOOSAASO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo xoogan oo barqanimadii Maanta deegaan ka tirsan Gobolka Bari lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Qaraxyada oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Puntland, kuwaasi oo ka ambabaxay degmada isku-shuban, kuna sii jeeday degaanka Balli-dhadin.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada oo laba ahaa, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsan Ciidankii saarnaa gaari ay miino qabsatay, halka saddex kalena ay dhaawacmeen.