Muqdisho-Ayaamaha-António Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si Adag u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Xoghayaha ayaa Tacsi u diraty Ehellada ay dadkuudu ku geeriyoodeen weerarkaasi, isagaoo kuwa dhaawaca soo gaaray u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

António Guterres ayaa intaasi raaciyey in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale AMSIOM ayaa si kulul uga hadashay weerarkan oo qaatay muddo ku dhaawad 15 saacadood oo xiriir ah.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa holwgalka AMISOM Fransisco Madeira ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Dowladda Canada ayaa sidoo kale war ka soo saartay weerarka ku bilowday Ismiidaaminta ee ka dhacay Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.

Qunsuliyadda Canada ee ku taalla Nairobi ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, islamarkaana ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan Muwaadiniin u dhashay dalkeeda.

Maamulka Jubbaland ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay 26 Qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.