Muqdisho-Ayaamaha-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed in loo midoobo caqabadaha kala duwan ee dalka ku xeeran,xilli dalka looga dabaal degay 59-sano guuradii ka soo wareegatay Madax banaanida.

James Swan,Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Beesha caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso Hoggamiyeyaasha si horumaro looga gaaro dhinacyo badan.

” Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah waxay si dhow ula shaqeynayaan Shacabka iyo Hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan in la gaaro horumar dhinaca amniga ah,horumarinta dhaqaalaha,Dowlad wanaag,isku filnaansho iyo in laga jawaabo baahiyaha xagga bini-adanimada ah,” ayuu ku yiri Warbixin uu soo saaray Mr. James Swan.

Wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo dhan meel waliba oo ay aduunka ka joogaan maalin weyn u tahay madax sanad-guurada Bannaanida,iyagoo maanta ku haya caqabadaha iyo dhibaatooyinka uu wali dalku wajahayo.