MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweysay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, kaasi oo lagu gaarayo doorashada tooska ah ee Soomaaliya ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadka soo aadan.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay in habka doorasho oo ay soo bandhigtay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay tahay mid wanaagsan, iyada oo lagu booriyay hoggaamiyeyaasha siyaasada inay wadatashi ka yeeshaan Arrimaha doorashooyinka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada suga.

Mucaadka ayaa diidan in doorashada soomaaliya dib loo dhigo, iyadoo wakiilka QM soo dhaweeyey hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka soomaaliya.