QM oo war cusub kasoo saartay cune qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Geraldine Byrne Nason, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Ireland u fadhisa Qaramada Midoobey, ahna Guddoomiyaha Guddiga hoosaadka Golaha Ammaanka ee Soomaaliya ayaa xubnaha Golaha u dirtay laba warqadood oo ka hadlaya arrimo la xiriira suurtagalnimada in wax laga beddelo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo tallaabooyinka looga hortagayo maalgelinta Al-Shabaab.

Berne Nason, oo warbixin kooban ka siineysa Golaha amaanka shaqada Guddi Hoosaadka ee Soomaaliya intii u dhexeysay Juun 15 ilaa Oktoobar 20, ayaa intaas ku dartay in warqadaha ay sidoo kale ku saabsan yihiin cusbooneysiinta liiska cunaqabateynta iyo la dagaallanka xadgudubyada oo ay ka mid yihiin xadgudubyada galmada iyo mid ka ku saleysan jinsiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Qaramada Midoobay ku tilmaamtay in ay ku tilmaantay mid seeto ku haysa awoodda ciidamadu kula dagaali lahaayeen kooxaha xagjirka ah.

1992-kii ayay ahayd markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar ku lambareysnaa 733 kaas oo Soomaaliya u diidayay in ay iibsato amaba dhoofsato hubka iyo agabka ciidamada iyada oo marar kalena go’aankaas dib loo cusboonaysiiyay.