Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mudo dhowr isbuuca ah kadib goorta laso magacaabayo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya.

Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arimaha Africa.

Dowladda Soomaaliya ayuu amaanay , isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hadda gaaray horumar badan, islamarkaana loo baahan yahay in Caalamka ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa carabka kudhuftay in dhawaan lasoo magacaabi doono wakiilka QM ee uqaabilsan Soomaaliya, isaga oo sheegay inay socdaan latashiyo badan oo ay sameynayaan.

Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa mugdi soo dhaxgalay kadib markii xoghaayihii hore u QM u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom laceeriyey isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya hada xiriirkooda soo hagaagayo kadib in Mudo ah oo mugdi soo dhexgalay.

Sidookale Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda lagu dhaliilay go’aana tooska ahaa ee ay ka qaadan Nicholas Haysom, waxaana Dowladda llagu wargeliyay inay ka taxadarto go’aanada ay Qaadanayso.