MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Saldhiga Ciidanka Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Banaanka hore ee Saldhigga.
Qof waxyaabaha qarxa isku soo xidhay ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xerada ciidamada Turk-Som, halkaasi oo ay saf ku jireen dhalinyaro cusub oo ciidanka ku biirayay.
Ugu yaraan hal qof oo ah kii is qarxiyay ayaa ku dhintay, halka ruux kalana uu ku dhaawacmay, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qofka naftii hallige ah ee is qarxiyay ayaa u socday in uu waxyeello xooggan gaadhsiiyo dhalinyarada cusub ee ciidanka ku biiraysay, balse qalabkii uu isku soo rakibay ayaa horey ugu qarxi waayay, taasi oo keentay in saameynta qaraxu yaraato.