Qoorqoor oo goordhow ku dhawaaqaya liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ilo ku dhow Madaxweyne Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wado qorshihii ugu dambeeyay ee uu kusoo gudbinayo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare oo ay ka sugayaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug.

Guddiga ayaa maalmo kahor Madaxweynaha ka dalbaday inuu si deg deg ah u soo saaro Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo deegaanada Galmudug, si loo qabto doorashada Aqalka Sare.

Dhuusamareeb ayaa waxaa kusii qul-qulaya Senatarada rajada ka qaba in dib loo qoro iyo Musharaxiin u hanqal taageysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka