Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe doorashada 2021 looga reebayo Xisbiga Wadajir uu hoggaanka u yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame,kaas oo si aada ah u dhaliila Dowladda Dhexe.

Qorshahan oo ay gadaal ka riixeyso ayaa la doonayaa in loo gudbiyo guddiga doorashooyinka Qaranka si ay ugu dambeyn ugu dhawaaqaan in doorashada soo socoto laga reebay C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Villa Soomaaliya ayaa diyaarineyso hanaan cad oo suurta gal ka dhigaya in C/raxmaan C/rshakuur looga reebo doorashada,waxaana inta badan lagu lifaaqayaa Kiisas culus oo uu lug lahaa sida Heshiiskii Badda iyo Aflagaadadii uu ka towbad keenay ee uu Diinta ugu gafay.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer ee hadalada kulul hawada u mariya Dowladda,waxaana horay loogu qaaday weerar uu ku waayay lix ka mid ah askartii ilaalineysay.

Xisbiga mucaaradka ayaa ka walaacsan doorashada soo socota nuuca ay noqoneyso iyo qaabka ay u dhaceyso,iyadoo walaaca ugu badan uu ka jiro in mudo kororsi ay sameyso Dowladda.