Qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo laga soo saari rabo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble cilaamiyey?
shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble cilaamiyey

MUQDOSHO-AYAAMAHA-sida qorshaha yahay todobaadkaan waxaa Muqdisho ka bilaabanaya Shirka madasha wadatashiga qaran oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir iyadoo shirkaasi uu gudoomin doono Raiisal wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaas oo looga arinsan doono arimo dhowr ah.

Shirka oo xilli xasaasi ah kusoo aaday ayaa la filayaa in looga hadlo sixitaanka qaladaadka kujiro doorashada oo muwan wayn waayihii dambe hareeyay.

Khailaafka udhaxeeya Madaxwaynaha iyo Ra’iisal wasaaraha iyo qabsoomidda shirkaan ayaa xiiso gaar ah uyeelaya arimaha taagan, waxaana dad badan ay is waydiinayaan waxa uu shirkaan ka badeli karo siyaasadda dalka.

Madaxda Dowlad Gobolleedyada oo kala aragti ka ah siyaasadda iyo khilaafka taagan ayaa hadda kuwada sugan Muqdisho, waxaana dhinaca kale qabsoomidda shirkaan isha si wayn ugu haya Mucaaradka,beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.

Inkastoo aanu jirin faahfaahin laga bixiyay ajandayaasha shirka waxaa hadana soo baxaya xogo hoose oo tibaaxaya in shirka lagu soo hadal qaadi doono arimo ay kamid tahay wax kabadel lagu sameeyo heshiiskii 17ki September.

Qodobka sida weyn isha loogu hayo waa arinta deegaan doorashooyinka oo dad badan ay leeyihiin waxaa macquul ah in deegaan doorashooyinka lagu soo koobo hal deegaan maamul walbo si meesha looga saaro Mugdi badan oo jira.

Maamul gobolleed kasta waxaa doorashadiisa lagu qabanayaa laba deegaan doorasho oo ay kujirta caasimadaha waxaana qodobkaasi uu kujiray heshiisyadii doorasho ee horay loo galay, waxaana dadka sida weyn arintaasi udaneynayey lagu sheegay inuu kamid ahaa madaxwaynaha Somalia.