MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waji gabax kala kulmay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo,taas oo ku aadan dib u dhigista doorashada dalka.

Waxaa si aad ah loo sugayay in guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey ay hortimaado Baarlamaanka Labadiisa Aqal,taas oo mudo bil ah dib loo dhigay,waxaana arrinkaan aad u doonaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa cirka isku sii shareeraya loolanka iyo Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeyso madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha,waxayna hortagista Xaliimo yareey ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dhigneyd in la shaaciyo nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020/21.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigii ay yeesheen saacado ka hor waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigo mudo bil ah furitaanka kalafadhiga Baarlamaanka taas oo sahli kartay in howlo muhiim ah oo horyaalay Baarlamaanka la qabto.

Waxaa dood adag ka taagan yahay nuuca doorasho,xilliga ay dhaceyso iyo goobaha ay ka dhaceyso,waxayna arrintaan walaac ku abuurtay mucaaradka Dowladda.