Hargaysa-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya magaalada Haregysa ayaa sheegaya in arrin murugo leh ay saaka ka dhacday gudaha magaaladaasi, kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhismo ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex.

Waxaa Guriga soo dumay ku geeriyooday Qoyska oo ka koobnaa Afar ruux oo kala ahaa Laba Caruur ah iyo Aabaha dhalay oo lagu Magacaabi jiray feysal Aadan Cabdi Diiriye iyo Hooyada dhashay Carruurta oo lagu Magacaabi jiray Hinda Aw Axmed.

Guddoomiyaha Gobolka Maroo-Jeex ee Soomaaliland ayaa sheegay in qoyska Guriga uu kusoo dumay ay sababtay,kadib markii uu Roob ka da’ay Magaalada,isla markaana ay geeriyoodeen Hooyo Xaamilo aheyd,laba Carruur ah oo ay dhashay iyo Aabaha Qoyska.

Taliyaha Ciidanka dam-demisaka Soomaaliland ayaa sheegay in marka xilliRoobka ah la gaaro ay dhacdo inay guryo badan dumaan,waxaana dadka uu ugu baaqay inay ka fogaadaana Guryaha qadsiimiga ah oo ay ku hoos nool yihiin.

Meydadka Qoyska Guriga kusoo dumay ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa,waxaana Isbitaalka tegay Mas’uuliyin ka tirsan Soomaaliland.