Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isgoyska Fagax degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka dhacday arimo la xiriira Guurka iyo qoyska.

Mar kaliya ayaa laga war helay dad haween iyo dhalinyaro ubadnaa oo mindiyo iyo faasas wata oo garaash meesha ku yaallay galay.

Waxay dhaawac gaarsiiyeen ninka gabadha ka guursaday,kaas oo dhawiciisa loola cararay Cusbitaalada Muqdisho midkood.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya arintaan iyo waxay salka ku heyso,wararka qaar ayaa warqaad usheegay in ninka oo kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay uu guursaday gabadha oo beelaha awooda ku leh Muqdisho kasoo jeeda.

Waalidkeeda ayaan la rabin gabadha ninkaasi ay guursatay dhowr mar oo lagu amray inay ka hartana ay diiday sidaana loo hujuumay garaash ka shaqeeyahaasi.

Ciidamada Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa ku baxay meesha oo kala ceeriyey Qoyska weerarka soo qaaday,dhacdadaan ayaa la mid ah tii sanadkii hore lagu gubay Axmed dowlo oo wiil uu adeer u ahaa Gabar la fakaday sidaana isagii naftiisa ku gooyeen Qoyska gabadha.

Heyb sooca ayaa muddo waxa uu ka dhex jiray Soomaalida oo la yasaa Beelaha qaar laguna yiraahdaa isma geeno oo loola jeedo isma guursan karno.