Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaaab maanta ku qaadayn dhismooyin ay daganaayeen 2 kamid ah Wasaaradihiisa iyo qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Muuqaal laga soo dubay Raylsal Wasaare Kheyrre oo lagu baahiyay baraha Bulshada ayuu kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed dadkii wax ku noqday weerarkaas, isagoo si gaar ah uga tacsiyeeyay Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Kheyrre ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda