Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafiiskiisa magaalada Addis ababa ku qaabilay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta booqasho ku tegay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha maamulla Soomaaliland muuse Biixi oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Ahmed ay ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba dal ayuu yiri Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska raisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xusay in Abiy Ahmed uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somailand iyo wafdigiisa oo labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo khuseeya xiriirka iyo danaha labada dhinac.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha magaalad Addis ababa ku soo dhoweeyay wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo iyo xubno kale oo katirsan masuuliyinta dalkaas.