War-Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho dalal, shirkado iyo hay’addo ajnabi ah.

Wasaaradaha Xukuumada iyo Hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan, Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah, iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray, sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa 2aad.

War-Saxaafadeedkan kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu qeexay heshiisyada lala gelayo Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah ee ay gasho Xukuumada.