Muqdisho-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in kooxo hubeysan ay Goordhow Gudaha Degmada Wadajir ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay Suuqaweyn ee Degmada Wadajir, isla markaana waxaa Askari lagu toogtay xili uu ku sugnaa halkaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ragii ka dambeeyay falka oo ay gaarayay ilaa Saddex ruux ay isku dayay inay goobta ka baxsadaan, hayeeshee Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo xiligaas goobta ka Adhaweyd ayaa rasaas ku furay, iyagoon markii dambe gacanta ku dhigay raggaas.

Ciidanka Amniga ayaa waxaa ay qabteen laba ruux oo fulisay dilka, halka mid saddexaad oo la socday uu baxsaday, waxaana haatan Degmada Wadajir ka socda howlgal lagu raadinayo ruuxa baxsadka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadka shacabka ah, waxaana inta badan Mas’uuliyooda sheegta Al-shabaab.