Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaarya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi Caawa lagu dilay laba ruux oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegayan in dilkan uu ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Degmada Kaaraan,isla markaana loo geystay laba ruux oo shacab ahaa.

Ragan kuhubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay inay fuliyeen dilkaas,iyagoona durbo goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa gaaray dad shacab ah iyagoo halkaasi ka qaaday Meydadka dadkii la dilay,waxaana markii dambe soo gaaray goobta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraaan ee Gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaa maalmihii dame waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadka shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.