Rag hubeysan oo nabadoon ku dilay Muqdisho

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Rag hubeysan oo watay bastoolado ayaa xalay degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir ku dilay nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Cali Diirshe, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in nabaddoonka la dilay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka khaarijinta ah fuliyay.

Ciidamada ammaanka degmada Hiliwaa ee ka howlgala ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay nabaddoonka, mana ku gulesan ciidamada amniga in gacanta kusoo dhigaan ragii dilkaasi geestay.

Falalka amni darro sida dilalka qorsheysan iyo weerarada ayaa kusoo badanaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana inta badan falalkaas mas’uuliyadooda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.