Rag Qarxa Ku Diyaarinayay Boosaaso Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

GAROOWE-AYAAMAHA-Howlgal dhowr saacadood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF-ta ayaa lagu soo afjaray xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada ku beegsadeen guri ku yaala gudaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku qabteen rag ka tirsan kooxaha argagixisada ah isla markaana halkaasi ku diyaarinayay waxlaha qarxa.

Dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada howlgalkoodu uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ka yar saacad ay ciidamada ku soo gabagabeeyeen, iyadoo mudadii ay howlgaladu socdeen ciidamada PSF-ta joojiyeen dhaqdhaqaaqa halka ay howlgaladu ka dhacayeen.

Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland ee qeybta ka ahaa howlgalkaasi ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen rag tiradoodu ku dhowdahay toban nin iyo walxaha qarxa oo ay diyaarinayeen, inkasta oo aanay saraakiishu sheegin kooxaha ururka ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.