Muqdisho-Ayaamaha-Rag u labistay sida dumarka ayaa lagu xiray gobolka Kano, Waqooyiga Nigeria, sida ay booliska sheegeen.

Tasiu Ishaq, oo ah sargaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in raggan ay maalintii Axadda ahayd la soo xiray mar ay ku sugnaayeen xaflad dhalasha ah.

“Waa ceeb in raggan ay ku dhaqaaqan dhaqan noocan ah.” Ayuu yiri.

Mid ka mid ah dhalinyaradan la soo eedeeyey ayaa BBC-da u sheegay in qofkii xafladda ku casuumay uu baxsaday inta aysan booliska imaanin.

Kano ayaa ka mid ah gobolada dalka ee shareecada Islaamka looga dhaqmo.