MUQDISHO-AYAAMAHA-Hindiya ayaa wacad ku martay awood ciidan iney xadkeeda ku difaaceyso, kaddib marki 20 askari ay ka dileen ciidamada Shiinaha Isniinti la soo dhaafay.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney jirin ciidama shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhul laga qabsaday toona.

Dalka Shiinaha qasaaraha ka soo gaaray dagaalka ciidamada Hindiya ay la galeen wax war ah kama soo bixin, tani iyo marka uu labada dal uu iska horimaadka uu ku dhex maray xadka Himalayan ee ay labada dal isku hayaan.

Labada dal oo ku hubeysan hubka Niyukilarka ayaa dalba dalka kale uu ku eedeeyey inuu xadka soo tallaabay dagaalkana uu billaabay.

Hindiya waxay sheegtay labada dalba qasaara inuu ka soo gaaray dagaalki ku dhexmaray buuraleyda Galwan ee ku yaalla Ladakh.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo Jimcihi shacabka dalka Hindiya telefishiinka kala hadlay wuxuu sheegay ciidamada Hindiya iney amar buuxa u haystaan “iney qaadaan tallaabbo kasta oo milatari” oo ay ku difaacayaan xuduudaha dalka Hindiya.

“Dalka Hindiya wuxuu si aad ah uu uga xumaaday ugana carooday tallaabbadii u Shiinaha ku dhaqaaqay, “ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray “Hindiya nabad iyo saaxibtinimo iney dooneyso balse ay qaranimadeeda gorgortan ka galeyn.”

Labada dal ayaa waxay 1996-kii ay galeen heshiis xadka ay labada dal isku hayaan ka manuucaya hubka iyo waxyaabaha qarxa.