Ra’iisal wasaare Rooble oo markale cadeeyey mowqofkiisa ku aadan Musharaxnimadiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in uusan xilka madaxweynaha u tartameyn, balse uu doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Rooble ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo galabta ku wareejiyay warbixinta wixii ay kala kulmeen Garbahaareey iyo Kismaayo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan halkan uga xaqiijinayaa in maanta ay harsan tahay oo keliya in madaxweyne Axmed Madoobe uu wareegto ku soo saaro maamulka degmada Garbahaareey oo la [magacyadii] la ii soo gudbiyay, anna uu u gudbin doono madaxweynaha,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrinta doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, isagoo sheegay in wadatashiyo uu la leeyahay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisal wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed.

Labadan arrimood ayaa kamid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya.