Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay ka qayb galayaasha shirka in hoggaanka dalka ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhaqan-gelinta qorshaha daynta looga cafinayo dalka, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhiirri gelinta ganacsiga xorta ah, waxa uuna ku dhiirri geliyay dhammaan dhinacyada halbeegyada ku leh Tubta in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan qabashada hawsha kaga aadan gaaridda himilooyinka dhaqaale ee dalka lagu hormarinaayo.

Kulanka horumarinta tubta dhaqaalaha maanta ee ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qabto goob ka baxsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshada ayaa waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuq-gaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

Ajandayaasha tubta horumarinta dhaqaalaha waxaa ugu horreeya in guul lagu dhaqan geliyo Barnaamijka hay’adda Lacagta aduunku ay kula socanayso hadafyada iyo siyaasadaha maaliyeed ee dalka (SMP), in sare loo qaado dakhliga gudaha si looga maarmo kaalmo dibadda ah, in la hurumariyo hay’adaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, awoodaynta qaybaha wax soo saarka dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.