Muqdisho-Ayaamaha-Hay`adaha cadaaladda Israel ayaa shaaca ka qaaday in 17-ka bisha Maarso ee sannadkan maxkamad lasoo taagi doono ra`iisal wasaare Benjamin Netanyahu.

Ra`iisal wasaaraha ayaa lagu haystaa kiis musuq-maasuq oo in badan soo jiitamayay, kaas oo la xiriira ku-tagrifal awoodeed, laaluush qaadasho iyo wax-is-dabamarin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxkamadda.

Benjamin oo dhawaan wareeg labaad loo doortay r/wasaaraha Israel ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo isagoo xil haya maxkamad la saaro, waxaana loo ogolaaday in uu xilka sidiisa u sii hayn karo isagoo maxkamadi ku socoto.