Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Diiwaan-gelinta habka Onlie-ka ee Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalayso in dhaqaaluhu kobco iyo in abuurmaan shaqooyin badan oo lagu yareeyo shaqo la’aanta.

Khayre ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ee dawladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba ay aaminaan, aaminaaduna ay ku xirantahay in dawladdu ay iyadu kasoo baxdo dawrkeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegay in Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga ee hadda lagu guulaystay hir-gelintiisa uu ganacsatada Soomaaliyeed siinayo fursad wanaagsan, isaga oo intaa raaciyay in dawladda ay ka go’antahay in ganacsatada ay ku garab istaagto horumarinta ganacsigooda si dawladduna ay uga hesho casnshuur.