MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diray farriintiisii ugu horeysay tan iyo markii dikreetadiisu ay ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo, seddax habeen ka hor.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu fariintan kula hadlay baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada golaha shacabka oo uu weydiistay codkooda kalsoonida.

“Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” ayuu yiri Mr Rooble.

“Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.”

Warar aan helnay ayaa sheegaya in qorshuhu yahay Isniinta berrito in Rooble la hor geeyo xildhibaanada golaha shacabka, si cod loogu qaado. Waxaana saacadihii u dambeeyey Muqdisho ka socday kulamo gaar-gaar ah oo uu ku kasbanayo xildhibaanada, si ay codkooda kalsoonida u siiyaan.