Dhuusamareeb-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaan in Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tegayo Dhuusamareeb ay qeyb ka noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Dhuusamareeb gaarayu Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,waxaana Maanta safarka Ra’iisul Wasaaraha looga dareemayaan Magalada Dhuusamareeb.

U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Go’aan ka gaarista sida ay ku dhici laheyd 4-da Bisha soo socota ee Kuly doorashada Maamulka Galmudug.

Ammaanka Magalada dhuusamareeb ayaa maanta siweyn loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya Ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu xoojiyay Ciidamada DANAB ee xoogga dalka soomaaliyeed,kuwaas oo dhawaan la geeyay Magalada Dhuusamareeb.