Hargeysa-(Ayaamaha)-Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadiisu ay bilowday inay ka shaqeyso sidii is-fahan looga dhex abuuri lahaa dowlada Somaliya iyo Somaliland.

Dr Abiy ayaa sidoo kale sheegay in arrinkan uu daba socday, codsi ka yimid odayaasha gobolka, kuwaasi oo ka dalbaday inay door ka qaatan sidii loo soo af-jari lahaa khilaafka Somaliya iyo Somaliland.

Abiy Ahmed ayaa waxa kale oo uu sheegay in nabad kuwada noolashaha Soaomaaliya iyo Somaliland ay muhiim u tahay gobolka, isagoo xukuumadiisana ku bogaadiyey dadaalada nabadgalyo ee ay ka wado gobolka Geeska Afrika.

Magaalada Addis-Ababa ayaa Bishii hore waxaa tagay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna kula kulmay Abiy Ahmed oo ay ka wada-hadleen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.