Guraceel-Ayaamaha- Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu amar ku bixiyey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanada ku yaalla Xadka gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aan xilliggaan  aan loo baahaneyn dagaal Sokeeye, waxaana Odayaasha dhaqanka uu ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo soo Afjari lahaa Colaadda beelaha wada degan Xadka.

Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Guriceel, waxaana uu halkaasi kulamo kala duwan kula leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Xasan Cali Kheyrre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad weyn iska saari doonto sidii loo dhameyn lahaa dagaalka, islamarkaana nabad loogu soo celin lahaa degaanadaasi.