Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa cadaadis Xooggan lagu saarayaa inuu xilka ka qaado Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lagu eedeeyay inuu ku fashilmay xilkii Ummadda ay ku aamintay.

Waxgarad ku heyb ah oo aan la dhacsaneyn howsha Wasiirka ayaa maalmihii u dambeeyay isaga daba noqonayay xafiiska Ra’iisal wasaaraha,iyagoo ujeedkooda uu yahay in xilka laga xayuubiyo Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya oo Saaxiib dhow la ah Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa wararku ay sheegayan in Odayaasha aysan ka helin Ra’iisal wasaare Kheyre jawaab ay ku qancaan,wuxuuna labo jeer oo uu la kulmay u sheegay inuu tixgelinayo rabitaankooda,balse aysan odayaashu arkin wax ka soo naasa cadaaday kulamadii ay la yeesheen Ra’iisal wasaaraha.

Marar badan ayaa wasiirka waxa lagula taliyay inuu iscasilo,maadama uu ka soo bixi waayay mas’uuliyadii loo idmaday oo ahayd inuu Difaac maalmka iyo nafta ummadda Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay Qaraxyada iyo weerarada ay ka geeystaan magaalada Muqdisho,iyadoo shacabka magaalada  ay dareemayaan cabsi xagga amniga marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo heyso.