Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka dowlada,waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu halkaasi ku sugan waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.