Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safaruu Maanta oo Axad uu ku tegi lahaa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,halkaas oo uu fatahaad ka sameeyey Wabiga Shabeelle.

Sababta uu u baaqday Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii xalay roobab xoogan ay ka da’een Baladweyne, isla markaana la sheegay inay adeg tahay in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  ay ka degto diyaarad.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Baladweyne ayaa waxaa ku wehlin lahaa qaar kamid ah Goliisa Wasiirada, xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha dalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiskiisa, waxaana la shaaciyay in Safarka uu ka baaqday.

Ra’iisul Wasaare Kheyre  ayaa waxaa uu qiimeeyn kusoo sameeyn lahaa sida ay u socdaan howlaha gargaarka ee loo sameeynayo dadkii dhawaan Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.