Muqdisho-Ayaamaha- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay Gelinkii dambe waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka qeyb-galaya shirka Madasha Nabada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirka oo Maanta furmaya ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 13 Bishaan,waxaana looga hadlayaa Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale lagooga doodayaa xal u helidda dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Shirka waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre intuu ku suganyahay Faransiiska kulamo doceedyo uu la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.