MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Guddiga diyaarinta aaska qaran ee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee dalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu Magaacaabay Guddiga Aaska Qaranka, kuwaasi oo ka kooban 9-xubnood, isla markaana waxaa Guddoomiye looga dhigay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Guddiga waxaa uu ka kooban yahay xubnaha hoos ku qoran

1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS       :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa                    :Xubin.
3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta              : Xubin
4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha                  :Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada                                 :Xubin
6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada                    : Xubin
7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka                          :Xubin.
8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka    :Xubin.
9. Maxamuud Xayir Ibraahim  Wasiiru dawlaha Maaliyadda         : Xubin