Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha Dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga.

Bintou Keita, oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, sheegay in uu hala hadli doono ay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Soomaaliya ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta.

Raiisul wasaare Kheyre ayaa Qaramada midoobay kaga mahad celiyay doorkeeda ku aaddan nabad gelyada, wuxuuna ka codsaday in ay sii labalaabto kaalinta ay kaga jirto nabad kusoo dabbaalidda Dalka.

Booqashada Bintou Keita, ayaa ku soo beegantay xilli ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM isu diyaarinayaan inay ku wareejiyaan ammaanka Dalka Soomaaliya ciidamada Soomaaliyeed.