Dhuusamareeb-Ayaamaha-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,halkaasi oo xiisad ka dhalatay ciidan Itoobiyan ah oo gaaray ay ka taagan tahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay in tegitaanka Ra’iisal wasaaraha magaalada Dhuusamareeb ay gogol xaar u tahay in la dhammeeyo khilaafka ka jira dhismaha maamulka Galmudug ay qabaan Ahlu suna Waljameeca oo qeyb ka ah hanaanka dhismaha maamulka.

Xasan Cali Kheyre mudada uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb la kulmi doonaa dhincyada wax ka tabanaya hanaankan ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka.

Sidoo kale warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Kheyre uu Dhuusamareeb kaga sii gudbi doono magaalada Cadaado oo ay ka jirto tabasho ku aadan dhismaha maamulka Galmudug.