Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magalada Cadaado ayaa Maanta waxaa uu xariga ka jaray dhismaha Xerada Cusub ee taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin duleedka Magalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay dhismaha Xeradaas taliska qeybta 21aad iyo Bulshada magalada Cadaado oo ku dhisay Isxilqaan,waxana uu ka sheekeeyay muhiimada ay u leedahay dadka ku nool Gobolka Galkgaduud.

Munaasabada xari-jarka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Xildhibaano iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo safarka ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada Qaybta 21aad  ee xoogga dalka Soomaaliyeed eek u sugan Magalada Cadaado iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ay qeyb weyn ka qaataan sugida amniga, iyaga oo mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.