Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Guddi U Magacaabay Cabashada Waalidiin Carruurtooda Loo Qaaday Eritrea

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga oo baaris dhab ah ku sameeyn doona cabashada ay qabaan waalidiin farabadan oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo tababar loogu diray Eritrea.

Guddiga oo ka kooban Shan Xubnood ayaa waxaa ay Shaqadooda noqoneysaa inay baritaan dhab ah ku sameeyaan cabshada ay qabaan Waalidiinta Soomaaliyeed ee Carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Ereteriya, kuwaas oo sheegay inay soo gartay in Carruurtooda laga dagaal geliyay dalka Itoobiya.

Guddigaan ayaa ka kooban 5-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, isla markaana waxaa ku jira Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Dhalinyaradan tababarka ciidan loo qaaday oo kumanaan gaaraya ayaa la sheegay in laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya,  qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay halkaas, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha